Nafis Network

Xaalad murugo leh: Gudniin wadareed dhib-badan loogu gaystay hablo yaryar

Qaylo dhaan ayaa Dalladda NAFIS Network kasoo gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera; taas oo ku saabsan hablo yaryar oo u dhiig baxay gudniin lagu sameeyey lana keeney cusbitaalka guud ee Berbera. Hawl wadeennada NAFIS Network ayaa dedgdeg u gaadhay gobolka isla markaana la kulmay isuduwaha wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka, bahda caafimaadka, iyo waalidka labada hablood ee dhibtu soo gaadhay.

Gudniin wadareedku waxa uu ka dhacay magaaladda Abdaal oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, sida ay noo sheegtay Hooyada dhashay carruurta dhibtu soo gaadhay ee cusbitaalka Berbera la geeyey ayaa sheegtay in 20 Hablood lagu guday muddo 7 maalmood gudohood ah oo ay 7 ka mid ahna garanayso, dhammaantoodna waxa loo sameeyey gudniinka khatarta ah kaasi oo iskugu jira jarjaris iyo tol-tolis. Sida ay Hooyada carruurta dhashay noo sheegtay waxa ay rabtay in ay gayso Xannaanada; balse haweeneydii gudniinka samaysay oo Hargeysa ka tagtay ayaa ku dhiirigelisay in ay iyadu guriga ugu samayso gudniinka, waxa ayna Hooyadu intaas raacisay in ay ka dalbatay in 2 qodob lagu dhufto balse islaanta carruurta gudday ayaa ku adkaysatay in 3 qodob uga wanaagsan yihiin. Maalin ayayna u wada samaysay 7 hablood oo deris ah, balse labadeeda hablood ayuun bay xaalad adagi la kulantay oo midna si xun u dhiig baxday; midda kalena dhiig matagtay naxdintii iyo anfariirkii ay ka qaadday soo qabtadii ay maqlaysay iyo gudniinkii lagu sameeyey.

Labadan hablood oo 10 jir iyo 9 jir kala ah ayay waraysi ka qaadeen hawl wadeenadda NAFIS Network waxayna tidhi inanta 10jirka ahi “waxa aan maqlaayay qayladii kuwii iga horreeyey, waan cabsaday, waanan cararay, dumar deriska ah ayaa isoo qabtay, aad ayaan u naxay, ismaan kala ogeyn, islaantaas waa in la xidhaa oo aan la sii dayn.” inanta yare ee 9-jirka ahi waxa ay sheegtay markii ay aragtay walasheed oo dhiig baxaysa in ay miyir doorsoontay oo ay u adkaysan weyday, moodayna in ay walaasheed dhimanayso. Waxa ka muuqday xaalad murugo ah oo aad looga werwero, qoyskan dhibtu gaadhay ee la wareystay kuma uu faraxsanayn sida wax u dheceen oo Aabaha carruurta dhalay oo ka shaqeeya Magaaladda Berbera waxa uu sheegey in uuna waxba kala socon sida wax u dheceen; balse hooyadu maalin u sheegtay in ay hablihiin gudeyso isna uuna shallaysanba.

Xaaladdani waxa ay mid uun ka tahay mushkilad ballaadhan oo dhulka Somalida ka jirta oo aynu innagu gacmeheenna ku abaabulanno kuna layno oo ku naafaynno hableheenna, muddo dheer ayay wacyigelintu socotay welina xaaladdii si baahsan ayay u jirtaa, waa in ay isku noqdaan ku hawlanayaasha arrintan ha ahaadaan ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ahiba. xaaladdanna waa in tallaabo degdeg ah laga qaadaa maadaama looga faa’iidaysanaayo fasaxa dheer ee carruurta loo geliyay xanuunkan safmarka ah ee COVID-19 aawadii. Sinnaba xaq uma aha in la jarjaro jidhka hablaha yaryar iyada oo aan sabab caafimaad iyo mid gudasho waajib diineed toonna loo haynin. NAFIS Network waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha arrintan gudniinka hablaha oo ay ugu horreyso dawladda Somaliland in tallaabo degdeg ah loo qaado baajinta xaaladdan oo kale iyo bad-baadinta Habalaha yaryar iyada oo loo maraayo helidda shuruuc xakamaysa iyo qaneeco bulsho oo loo dhanyahay.