Nafis Network

Guulaha Danwadaag

Self Helpg Group Approach (Danwadaag),

Hannaanka Danwadaag waxa laga hirgaliyey Somaliland bishii sagaalaad 2013. Waxaana maalgalisa hayada Kindernothilfe ee loo soo gaabiyo (KNH) waxa marti galisey hayada wadaniga ah ee NAFIS Network.
Hannaanka Danwadaag waa ururro laga dhex abaabulay bulshada inteeda haynta yar ama saboolka ah oo isku deegaan ah. Kuwaasi oo ka siman xagga nolosha, hoyga iyo dhaqaalaha oo la doonayo sidii loo horumarin lahaa. Danwadaag waxaa sameysan kara 15-20 xubnood, guud ahaan waa xubno isku meeqaam ah sida da’da, jinsiga, iyo dhaqaalaha, sidoo kale waa dad isku aragti ka ah dhinaca fikirka, wada-jirka iyo istaageerida dhexdooda ah.
Hannaanka waxa soo dhisay shaqaale dhan oo ah kow iyo sideetan ruux (81), 76 ka mid ihi ay ahaayeen dumar. Waxa si toos ah u fuliya kow iyo toban urur oo wadani ah (ADO, BVO, Candlelight, CCBRS, GAVO, SOWDA, SOWRAG, SOYDAVO, TASCO, WAAPO & WORDA). Wuxuu ka shaqeeyaa Gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer.
Hannaanka Danwadaag waxa uu diiradda saaraa saddexda dhadhaar ee hoos ku qoran: DOWNLOAD

Self Helpg Group Approach (Danwadaag),